Home Wararka Maanta SAWIRRO:-Dowladdaha Soomaaliya iyo Suudaan oo wada saxiixday heshiis iskaashi ah!

SAWIRRO:-Dowladdaha Soomaaliya iyo Suudaan oo wada saxiixday heshiis iskaashi ah!

728
0
SHARE

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawa oo Malmahaan booqadsho ku Jogay Dalka Suudaan ayaa heshiis iskaashi wada Saxiixdeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Suudaan Ibraahim ganduur, heshiiskan oo tilmaya in la horumariya Xiriirka iskaashi ee ka dhaxeeya Dowladood ee Soomaaliya iyo Suudaan

Sido kale Wasiirka ayaa booqday Safaaradda Soomaaliya ee ku leedahay Suudaan asigoona soo eegay habka ay u shaqeysa Safaardda waxuuna halkaasi kula kulmay Diplomaasiyeenta iyo Shaqaalaha Safaaradda ka howlgala.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Soomaaliya ayaa Warbaahinta Qaranka ugu Warbixiyay heshiiska ay wada Saxiixdeen dhigiisa Suudaan ayaa waxaa uu yiri” Waxaa maanta heshiis iskaashi wada saxiixnay Wasiirka Arrimaha Didbadda Suudaan heshiiskaas oo ah tilmamaya in la sameeya guduyo horumariya xiriirka iskaashiga ee Soomaaliya iyo Suudaan ka dhaxeeya.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa booqday Jaamacadda Afrika oo ah Jaamacadda ugu badan ay dhigtaan Arday Soomaali ah, waxuuna Jaamacadda kula kulmay kuxigeenka Madaxa Jaamacadda asigoona ugu mahadceliyay sida ay mar walba Maamulka Jaamacadda shacabka Soomaaliyeed ugu garab isgaataan dhanka Waxbarashada.

Kulamada uu Wasiirka la qadanyay Mas’uuliyiinta Dowladda Suudaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Mas’uuliyiin ka socotay Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan oo uu horkacayay Siihayaha Safaaradda ahna Qunsulka Safaaradda Axmed Ibraahim Buurfuule iyo waliba Safiirka Sudan u Fadhiya Soomaaliya.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here