Home Wararka Maanta SAWIRRO:-Shirka 30-aad ee Wasiirada Beeraha Qaarada Afrika iyo FAO oo lagu soo...

SAWIRRO:-Shirka 30-aad ee Wasiirada Beeraha Qaarada Afrika iyo FAO oo lagu soo gabagabeeyay Magaalada Khartuum ee Dalka Suudaan.

792
0
SHARE

Waxaa magaalada Khartuum ee Caasimadda Dalka Suudaan lagu soo gabagabeeyay Shirka 30 ee Wasiirada Beeraha Qaarada Afrika iyo Hey’adda Qaramada Midooway u qaabilsan Cuntada iyo Beeraha ee (FAO) waxaana shirka ka qeyb galay Wasiirada Beeraha Qaaradaha Afrika iyo Gudoomiyaha Hey’adda FAO iyadoona xirataanka shirka sido kale ay ka soo qeyb galeen Safiirada Caalamka u fadhiya Suudaan iyo waliba Siihayaha Safaaradda Soomaaliya Axmed Ibraahim Burfuule.
Shirkane oo socoday muddo 5 maalin ah ayaa waxaa looga hadlayay sida ay beeraha Qaaradda Afrika u gaari lahaayeen horumarka iyo waliba sida loola daalami lahaa Gaajada iyadoona qorasha uu yahay sida ay Afrika ugu xuroowi laheed Gaajada.

Shirkan oo Dowladda Soomaalilya u matalayay Wasiirka Beeraha iyo waraabka ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Saciid Xuseen ciid ayaa mar uu la hadlayay Warbaahinta Qaranka sheegay intii uu shirka socoday inay xooga saareen waxqabadka FAO ay Soomaaliya ka qabata in isbadal lagu sameeya islamarkaana Xooga la saaro Horumarinta Beeraha iyo gaabayaasha Beeraha Soomaaliya.

Mudadii Shanta Maalin ah uu socoday shirka, ayaa Wasiirka Beeraha iyo waraabka ee Dowladda Soomaalilya Saciid Xuseen Ciid uu kulama gooni gaani ah la qaatay Gudoomiyaha Hey’adda FAO iyo Wasiirada Beeraha Qaaradda Afrika ee ka soo qeyb galay shirka.

Shirka 30-aad ee Wasiirada Beeraha Qaarada Afrika iyo FAO ee lagu soo gabagabeyay Magaalada Kharuum ee Xarunta Dalka Suudaan ayaa ujeedadiisa ugu weyn waxey tahay sida Afrika ay gumeysiga ugu xuroowday aay ugu xuroowi laheed Gaajada.

Yuusuf Maxamed Macalin (Yusuf Kashmiir)

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here