Saraakiil ka socota Qaramada Midoobay, ayaa maanta oo talaado ah waxa ay gaareen Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.
Saraakiishaan oo dhanka ammaanka qaabilsan, ayaa ujeedka ay u tageen Magaalada Dhuusamareeb waxa ay la xiriirta ka qayb galka xiritaanka Shir amniga ku saabsanaa oo maanta lagu soo gaba gabeynaayo Magaalada Dhuusamareeb.
Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa Axadii Magaalada Dhuusamareeb ka furay Shirkaan amniga ku saabsan.