Xubno katirsan golaha wasiirada dowladda Puntland oo galabta warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa ku dhawaaqay in dowladda Puntland ay cashuurtii ka dhaaftay guud ahaan hantida saaran doonta Al-xafiis.
Wasiirka Maaliyadda Cabdullaahi Siciid Carshe (Dhaqaaje) ayaa xaqiijiyey in hantida saaran doontaasi ee lasoo badbaadiyey ay dowladdu cashuurtii ka dhaaftay si ganacstada ay ula qaybsato wixii howl ahaa ee badbaadinteeda dowladda iyo shacabku ka soo mareen.
Magacyada wasiirada.
Wasiirka amniga Puntland Cabdullaahi Axmed Yuusuf (Dawlad)
Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo wershedaha Cabdiweli Xirsi Cabdulle (Indhaguran)
Wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska Maryan Axmed Cali
Wasiirka Wasaaradda warfaafinta Cabdi Xirsi Cali (Qarjab)
Wasiirka Maaliyadda Cabdullaahi Siciid Carshe (Dhaqaaje)