Home Wararka Maanta Shirka Amniga Qaranka oo Maalintii Labaad Galay.

Shirka Amniga Qaranka oo Maalintii Labaad Galay.

375
0
SHARE

muqdisho.-Maanta gelinka dambe ayaa lagu waddaa in Magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyo , islamarkaana war murtiyeed laga saaro Shirka Amniga Qaranka ee shalay ka furmay Muqdisho.

Wasiirka Gaashaanshigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo shirkan faah faahinayay ayaa sheegay in warbixino laga dhageystay shalay Madaxda Maamul Goboleedyada, Talisyada Ciidamada, Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in shirka looga dooday sidii Ciidamada Qalabka Sida ay ula wareegi lahaayeen Masuuliyadda amniga ee dalka, oo hada ay gacanta ku hayaan Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM, arrintaasna meel wanaagsan ay mareyso.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here