Home Wararka Maanta Madaxwaynaha Maxkamadda Adduunka Oo loo Doortay Garsoore Soomaali Ah iyo Guusha Uu...

Madaxwaynaha Maxkamadda Adduunka Oo loo Doortay Garsoore Soomaali Ah iyo Guusha Uu Gaadhay

481
0
SHARE

Garoowe: Maxakamada Caalamiga ee Cadaalada ee afka Ingriiska loo yaqaan International Court of Justice oo ku taala Magaalada Hague ee Dalka Netherlands ayaa manta waxay yeelatey Madaxweyne cusub.

Maxakamadaan oo ay hoos timaado Qaraamada Midoobey ayaa saddexdii sanno hal mar ayey waxay doorata Madaxweyne. Madaxweynahaas oo laga soo dhex doorta Garsoorayaasha dhexdooda, waxaana loo doorta shakhsiga hela aqalabiyada codadka Garsoorayaasha Maxakamadu, doorashaduna waa qarsoodi (secret ballot).

Garsoore Abdulqawi oo manta ka hor ahaa Madaxweyne ku xigeenka Maxkamada ayaa Garsoorayaasha Maxkamada u garteen inuu yahay shakhsi hadda u qalma inuu Maxkamada ka noqodo Madaweyne.

Garsoore Abdulqawi waa garsoore Caalami ah oo Addunyada aad looga yaqaan. Wuxuuna ku dhashay dagmada eeyl ee gobolka nugaal puntland somaliya waana masuul xililal kala dudwan ka soo qabtey UNESCO, UNIDO, iyo UNCTAD intuusan ku soo biirin Maxkamada Caalamiga ee Cadaalada February 6, 2009. Judge Abdulqawi wuxuu ka soo baxey Kulliyada Sharciga ee Jaamacada Ummada Soomaaliyeed oo xarunteedu tahay Magaalada Muqdishu. Sidoo kale wuxu Doctor International Law ka qaatey Jaamacada Geneva ee Switzerland.

Abdulqawi wuxuu Guest Professor ka yahay Jaamacado ku yaal Switzerland, Italy, Greece iyo Fransiska.

Safiirka Soomaliya ee Wadamada Benelux iyo Midowga Europe Danjire Dr. Cali Saciid Faqi ayaa doorasha Garsoore Abdulqawi ku tilmaamay inay tahay magac iyo sharaf weyn u soo hooyatey ummada Soomaliyeed.

Kalsoonida buuxda ee Garsoorayaasha Maxkamada ay siiyeen waxay muujineysa kartida aqoontiisa iyo kalsoonida ay ku qabaan saaxiibkooda ayuu yiri safiirka.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here