Home Wararka Maanta SAWIRRO:-Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukun Ku Riday Ragii Lagu Eedeeyay In...

SAWIRRO:-Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukun Ku Riday Ragii Lagu Eedeeyay In Ay Fuliyeen Qaraxii 14 Oktoobar!

787
0
SHARE

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida  ayaa saakay xukuno kala duwan ku riday rag  loo haystay in ay maleegeen Qaraxii dadka badan ku dhineen ee ka dhacay Isgoyska Soobe 14-kii October ee sanadkii hore.

Maxkamadda oo dhageesatay dacwadaha loo heestay eedeesanayaasha ayaa ugu dambeyn ku riday xukuno kala duwan oo isugu jira dil toogasho ah, Xabsi daa’in iyo in xuriyadooda la siiyo xubno dambi lagu waayay.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida Gaashaanle Xasan Nuur Cali Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunada kala duwan maxkamadda ku riday ragan ku eedeesnaa qaraxii Soobe ka dhacay.

Xasan Aadan Isaaq Cali Maxkamadu wax ay ku xukuntay dil toogasho ah.

C/laahi Ibraahin Xasan Absuge oo Maqan waxaa lagu Xukumay Xabsi Daa’in.

C/Wali Axmed Diiriye waxaa lagu Xukumay Saddex Sano oo Xabsi ah.

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa amartay in xuriyadooda la siiyo  Maxamuud Xasan Rooble iyo Cabdul Cabdi Warsame Cali  kadib markii Maxkamada ragan ku weysa wax dambi ah.

Qaraxii ka dhacay Isgooska Soobe ee magaalada Muqdisho waxaa noloshooda ku waayay dad ka badan 400-qof halka ay ku dhaawacmeen dad intaas ka badan, waxa uuna ahaa qaraxii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Soomaaliya.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here