Home Wararka Maanta WARBIXIN:-Madaxweyne Muuse Biixi Oo Gunadii Ka Jartay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi...

WARBIXIN:-Madaxweyne Muuse Biixi Oo Gunadii Ka Jartay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi !

785
0
SHARE

Wararka aan helayno ayaa tibaaxaya in Abwaanka Weyn ee Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi oo iminka ku Nool Magaaladda Burco Isla Markaana Caafimaadkiisu aad u Wanaagsan Yahay Laga Jaray Gunno uu qaadan jiray oo ahayd guno sharafeed Abwaanka ayaa Waxa kula Lamaanaa Xilligaa Alle Haw Naxariistee Marxuun Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye .

Madaxweynahaa Hore Daahir Rayaalle Kaahin Ayaa odayaasha ku Maamuusay Lacag Yar oo uu ugu Talgalay inay Ka dhigtaan Shidaalka iyo Sahayda Safarada markay Gobolada u ambabaxayaan.

Gunadaas ayaa la sheegay in Xukuumadii Hore ee Madaxweyne Siilaanyana ogolaatay in Abwaanka iyo Abwaano KalebaLa siiyo Balse Maalmahan Waxa soo Baxayey Warar Sheegaya In Lacagtaa Yare e Gunadda ah aan Abwaanka La Siin Saddexdii Bilood ee Ugu Dambeeyay.

Qaar ka mida Ehelada Abwaanka oo aannu La xidhiidhnay ayaa noo Xaqiijiyay in ay jirto maqnaanshiyaha gunadii uu qaadan jiray ,waxaaney sheegen aanay soo Gaadhin isla markaana Meesheedii ay Buuxiyeen Odayaal Saaxiib Dhaw la ah Abwaanka Mid ka mida Ehelada Abwaanka oo Magaciisa ka Cudurdaartay inaanu Sheegno Ayaa Sidan noo Sheegay.

“Walaal Way Jirtaa muuna qaadan Waxaana ka jartay Xukuumadan Cusub ee Muuse Biixi”Mar aannu Waydiinay Inay La Xidhiidheen Xukuumadda iyo In Kharasha La’aani Jirto oo ay Dib uga Dhacday Waxay ku Jawaabeen

“Haa Waanu La Xidhiidhnay Laakiin Inay Jareen iyo In Kharash La’aaniJirto Noomay Kala sheegin Wuxuba Cadad Yar oo Shan Boqol oo Dollar ayay ahayd Markaa Wax Wara oo Dambe Kama Hayno Laakiin Abwaano Badan iyo Dad Kaleba Waa laga Jaray oo ilaa Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal Qaadanayey Xaajiga Madaxweynihii Hore Daahir Rayaalle Ayaa u Qoray Xukuumadiina Siilaanyana Way u Tixgelisay Laakiin Waxa Qoladan Cusubi u Joojisay Nooma Cada odayguna Nin Lacag u Baahan Maaha rayaalle iyo Siilaanyaba iyagaa ku Sharfay Bulshadana Hadraawi iyo Abwaanada la midka ah iyo Dadka Bulshada Dhexdooda ka mudan ee Biri’magaydada ahi Way Istaahilaan in La Gacan Qabto oo La muuneeyo.

Dhinaca Wasaaradda Maaliyadda iyo Madaxtooayada ayaannu isku Daynay inaanu Arrimaha Wax ka waydiino Balse Nooma Suurta gelin innaanu Cid Ka Helno Dhawaan ayay Ahayd Markii Warbaahinta uu Abwaan Cabdillaahi Xirsi Baarleex oo Ka mida Abwaanada Waaweyn Xanuuna u Jiifa Gurigiisa oo Ku Yaala Hargeysa uu Sheegay in Laga Goostay Gunno Yar oo Xafiiska Madaxtooyada Laga Siin Jiray

XIGASHO:- Sahan

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here