Home Wararka Maanta Ciidamada Dowladda iyo Alshabaab Oo Ku Dagaalamay Duleedka Qoryooleey

Ciidamada Dowladda iyo Alshabaab Oo Ku Dagaalamay Duleedka Qoryooleey

337
0
SHARE

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada Al Shabaab iyo kuwa dowladda ayaa ka dhacay duleedka Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha hoose, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha ciidamada dowladda.

Weerarkaani oo ay soo qaadeen malayshiyaadka Alshabaab, ayaa waxa ay ku weerareen tuulada Dal-biyaango oo ku dhaw degaanka Danow ee duleedka Degmada Qoryooley.

Dagaalka ayaa waxaa lasheegay inuu socdey muddo hal saac ku dhow, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo kala gaaray dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay hal askari inuu kaga dhintay weerarkaasi, dhankoodana ay dileen laba ka mid ah Shabaab sida ay sheegeen.

Al Shabaab ayaa sheegtay inay la wareegeen gacan ku haynta Saldhiga ay weerareen, inkastoo ay sheegeen markii dambe inay isaga baxeen.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here