Home Wararka Maanta Al-Shabaab oo Sheegtay Dil Ka Dhacay Gaalkacyo.

Al-Shabaab oo Sheegtay Dil Ka Dhacay Gaalkacyo.

261
0
SHARE

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka ayaa Shalay salaadii Jimce kadib waxaa ka dhacay qarax kaas oo sababay dhimasho iyo khasaare Hantiyadeed.

Qaraxan oo ka dhacay kasoo Horjeedka Hotel Jide ee magaalada Gaalkacyo ayaa walxaha Qarxa loogu xiray Gaarigiisa Sarkaal hore Faarax Caato oo kamid ahaa saraakiishii hore ee dawladii Soomaaliya wuxuuna u geeriyooday Qaraxas waxyeelo kasoo gaartay.

Guryo kasoo horjeeda ayaa waxyeelo kasoo gaartay Qaraxii sidoo kalana gaarigii qaraxa lagu xiray ayaa isagana Bur-Bur soo gaaray.

Masuulkan ayaan wax xil ah oo muuqda ka ahayn Puntland marka laga reebo inuu kamid ahaa Saraakiishii hore ee dawladii Soomaaliyeed.

Mana jirto Dhanka dawlada wax ka hadlay Qaraxan gaariga loogu xiray Mudane Faarax Caato oo ka tirsanaa ciidamadii xoogga dalka ee Soomaaliyeed.

Dhinaca Kalana Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda Qaraxa shalay ka dhacay Xaafadda Israac ee Magaalada Gaalkacyo,qaraxaas oo uu ku dhintay Sarkaal lagu magacaabi jiray Faarax Caato.

Al-shabaab ayaa Faarax Caato ku sheegay in uu ahaa sarkaal ka mid ah sirdoonka Maamulka Puntland sidoo kalena ahaa tababare Ciidanka Puntland ka tirsan.

Qaraxa ayaa dhacay kaddib salaaddii Khudbada ee Jimcaha,waxaan Dadka degaanka ay maqleen Qarax iyada oo Ciidamada amaanka Puntland ay gaareen goobta.

Faarax ayaa markii uu Gaariga la qarxay laga qaaday goobta isaga oo dhaawac ah,waxaase uu ku geeriyooday Isbitaalka weyn ee Magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland oo markii hore dhaawaciisa la geeyay.

Dhowr jeer ayaa saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Puntland lagu beegsaday Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug,waxaan Puntland ay dagaal kula jirtaa Al-shabaab.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here