Home Wararka Maanta SAWIRRO:-Agaasimaha HS&J Col.Kofi oo tababar u soo xiray madaxda waaxyaha Hay’adda

SAWIRRO:-Agaasimaha HS&J Col.Kofi oo tababar u soo xiray madaxda waaxyaha Hay’adda

708
0
SHARE

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Col.Mohamed Adam Kofi ayaa maanta soo xiray tababar labo maalin u socday madaxda waaxyaha Hay’adda oo lagu baranaayay habka Isku jaan goynta Maaliyada iyo baahiyaha Xafiisyada.

Col. Maxamed Aadam Kofi,Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa madaxda waaxyaha u sheegay in ay muhiim tahay in la isku dheelitiro howlaha xafiisyada ay qabtaan iyo qarashaadka ku baxaaya baahiya Xafiisyada.

Sidoo kale,Wuxuu Mr. Kofi tilmaamay in Agaasin kasta oo madax ka ah waaxyaha Hay’adda looga baahan yahay isku jaan goynta baahida xafiiskiisa iyo qarashka ku baxaya.

Ugu dambeyn Agaasimaha ayaa tababarka soo xiray, waxaana uu ku amray madaxda maanta tababarka loo soo xiray in ay gaarsiiyaan tababarka ay qateen  saraakiisha kale ee Hay’adda ka howlgasha. Sido kalena waxyabaha ay barteen laga dhaqan galiyo xafiisyada Hay’adda.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here