Home Wararka Maanta SAWIRRO+COD:-In ka badan 40 Wariyaal ah oo ka kala socday Wadamada Carabta...

SAWIRRO+COD:-In ka badan 40 Wariyaal ah oo ka kala socday Wadamada Carabta Soomaaliyana ay ku jirtay ayaa tababar lagu soo gaba gabeeyay Dalka Suudaan.

1331
0
SHARE

Tababarkan oo socday mudo afar maalmood ah oo ay soo qaban qaabiyeen Midwoga Saxafiyiinta Carabta oo kaashanaya Midowga Saxafiyiinta Suudaan ayaa maanta u soo idlaaday koox wariyaalah oo ka kala socday wadamada carabta oo Soomaaliyana ka mid ahayd.

Intii uu socday tababarkan ayaa waxaa diirada lagu saarayay sidii saxafigu u noqon lahaa mid dhameestiran dhan walba sida soo saare Barnaamij, Kaamirman,Wakiil wareed, Farsamayaqaan,War akhriye iyo sida ugu haboon uu wariyuhu u tabin lahaa wararka sugan ee goobaha ay ka jiraan rabshaduhu  sida uu u xaqiijiyay. Xoghayaha guud ee ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan Yuusuf Maxamed Macalin (Yuusuf Kashmiir) kana tirsan bahda Warbaahinta Qaranka ee Khartuum ee ka qeyb galay tababarkan.

Dhanka kale Gudoomiyaha Midowga Saxafiyiinta Suudaan Saadiq Al-Raziiqi oo isna ka hadlay goobta tababarka loogu soo gaba gabeeyay koox wariyaal ah oo ka kala socday Wadamada Carabta ayaa tibaaxay in ay tahay dowradan ama tababarkan midi ugu horeesay oo loo qabto Saxafiyiin ka yimid Wadamada Carabta si kor loogu qaado xirfadooda wariyinimo, Khartuumna tahay markii ugu horeesay oo ay marti galiso tababar nuucan oo kale ah.

Gunaanadkii tababarka ayaa guud ahaan waxaa la gudoonsiiyay Saxafiyiintii  ka soo qeyb gashay tababarkan shahaadooyin cadeenaya in ay qaateen tababar ku aadan sidii ay u nqon lahaayeen Saxafiyiin dhameestiran.

Cabaas Maxamed Nuur

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here