Home Wararka Maanta Dagaal kooban oo ka dhacay saaka Deegaanka Tukoraq

Dagaal kooban oo ka dhacay saaka Deegaanka Tukoraq

1451
0
SHARE

Wararka naga soo garaya Deegaanka Tukoraq ayaa sheegaya inay subaxnimaddii horre ee saaka halkaas ku dhexmarey labo ciidan oo ka kala tirsan Puntland iyo Somaliland is rasaasayn kooban ka dib markii weerar gaadmo ay waaberigii horre ku qaadeen Ciidamo ka tirsan Puntland fariisimo ay degan yihiin ciidanka Somaliland.

Khasaaraha ka dhashay weerarkii saaka Faahfaahin rasmiya lagama hayo, ciidanka Puntland ayaa sida wararku sheegayaan ka careysan daahniinka mudada ka qaatey Puntland diyaargarowga ay ugu jirto dagaal ka dhan ah Somaliland.

Dhinka kale warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya jiritaanka khilaaf kala aragti duwanaansho oo u dhaxeeya xubno ka tirsan guddiga difaaca sida Madaxweyne kuxigeenka Puntland iyo Taliyaha Ciidanka Puntland. Taliyaha ayaa qaba aragti aad uga fog tan madaxweyne kuxigeenka Puntland, faahfaahin kala soco goor dhow umadanews.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here