Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Iyo Ku Xigeennadiisa
Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo)
Markuu arkay soo jeedinta Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta;
Markuu wadatashi la sameeyey, islamarkaasna dhageystey talooyinka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya
Madaxweyahu waxuu shaqsiyaadka hoose u magacaabay xilalka kala ah:
• Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Ahna Duqa Muqdisho. (Abgaal Wacbuudhan, Daa’ud)
• Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax) waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Amnigaiyo Siyaasada.(Habar Gidir Sacad)
• Hussein Mohamed Nur waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Maamulka & Maaliyada. ((Murusade -Sabti -Israafiil)
• Marwo Basma Omar Ahmed waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada & Wacyigelinta. (Beesha Reer Xamar Camuudi)
• Aadan Sheikh Cali Fidow waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka HowlahaGuud (Maxamuud Hiraab Duduble)
• Cumar Abdirisaak Xuseen Xoghayaha Guud ee gobolka (Beesha Xawaadle)