Home Wararka Maanta (Sawirro)-Gudiga Horumarinta Gobolka Bari oo Bosaaso Kulan Ku Yeeshay

(Sawirro)-Gudiga Horumarinta Gobolka Bari oo Bosaaso Kulan Ku Yeeshay

1464
0
SHARE

Dhismaha Guddiga Horumarinta Gobolka Bari.

Waxa lagu qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari shir ballaaran oo hordhac u ah dhismaha guddi ka shaqeeya u qareemida iyo horumarinta gobolka Bari.

Shirkan oo lagu qabtay hotel Gacayte ayaa waxaa ka qeybgalay siyaasiyiin si weyn looga yaqaano gobolka Bari,Issimo,nabadoono,aqoonyahano,ganacsato iyo xubno lagu yaqaan dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada.

Shirkan oo looga hadlay arrimo dhowr ah ayaa waxaa ugu muhiimsanaa arrimahan hoose

In lagu tashto sidii loo aasaasi lahaa gole u qareema horumarinta gobolka Bari oo dib u dhac weyn ka jiray tan iyo intii la aasaasay maamulka Puntland.
In la sameeyo guddi farsamo ahaan u soo dersa holwaha muhiimka u ah horumarinta gobolka Bari,waana gobolka ugu baaxada weyn gobolada dalka Soomaaliya 18-kii gobol ee dowladii dhexe.
Madasha shirku ka socday waxaa laga soo jeediyay khudbado la xiriiray dhibaatooyinka ka jira gobolka ee dhinac horumar la’aanta ayaa lagu aruuriyay talooyin mug leh oo wax weyn ka tari doona baahida gobolka iyo mustaqbalka gobolka Bari.

Ugu dambeyn shirka ayaa lagu magacaabay Guddi farsamo ahaa usoo diyaariya Xeer-nidaamiyaha Golaha.

Shirkaan oo sida la filayo Saameyn weyn ku yeelan doona Bulshada Gobolka Bari oo u heellan in ay helaan cid si mug leh ugu qareenta Horumarinta Gobolka laguna aamini karo howlaha muhiimka ah ee la tebayo ee Gobolka.

in ka badan 80% dakhliga lagu socodsiiyo dowladda Puntland wuxuu ka yimaadaan gobolka Bari, gaar ahaan Caasimadda ganacsiga Puntland oo ay ku taalo Dekeda weyn iyo Garoonka diyaaradaha oo ah ilaha kowaad ee dakhliga ka soo xaroodo.

Omar Mohamed.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here