Warar hada inaga soo gaaraya magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa ku soo waramaya in Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Bada Soomaaliyeed General Siciid Aadan Dheere Siciid mariino goor dhow lagu dhex dilay dekada weyn ee Magaalada Muqdisho.
Goob Jooge ku sugan Gudaha Dekada Muqdisho ayaa Warvaahinta Umada News u xaqiijiyay dilka sarkaalka.
Ilaa iyo hada lama cadeyn karo sababta rasmiga ee Ninka dilka geystay uu u dilay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Bada Soomaaliya balse warar ayaa sheegay in uu mudooyinkan jiray khilaaf ka dhex aloosanaa labada nin.
Ciidanka amaanka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa gacanta ku dhigay gacan ku dhiiglihii dilka geystay.