Home Wararka Maanta SAWIRRO:-Shacabka Reer Qardhood Oo Aan U Kala Harin Soo Dhoweynta Madaxweynaha Umadda...

SAWIRRO:-Shacabka Reer Qardhood Oo Aan U Kala Harin Soo Dhoweynta Madaxweynaha Umadda Soomaaliya!

417
0
SHARE

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Qardho, iyadoo si weyn loosoo dhaweeyay.

Masuuliyiinta Magaalada Qardho iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa wafdiga Madaxweynaha kaga hortagay magaalada banaankeeda si ay u soo dhaweeyaan, waxaana dhamaan wajiyadooda ka muuqday dareen farxadeed ay u qabaan in Madaxweynaha uusoo booqdo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo la qaadan doona Masuuliyiinta,Waxgaradka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Qardho ,isagoo kala hadli doona Arrimo badan oo ku saabsan horumarka Bulshada iyo sidii wadajir loogu wada shaqeyn lahaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in deegaano kale oo ka tirsan Puntland iyo Galmudug uu booqdo maalmaha soo socda waana booqashadii ugu horeysay Madaxweynaha Soomaaliya uu tago deegaanadaasi tan iyo markii la doortay.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here