Home Wararka Maanta Siyaasiyiinta:- Gen. Ilka Jiir. Saciid Deni, Cali X. Warsame Khaliif Ciise Mudan...

Siyaasiyiinta:- Gen. Ilka Jiir. Saciid Deni, Cali X. Warsame Khaliif Ciise Mudan iyo Xaaji Maxamed Yaasiin oo Baaq iyo talo Soo Jeedin Soo Saaray!

1440
0
SHARE

BAAQ & TALO-SOO-JEEDIN

07 Janaayo 2018

Annagoo ah siyaasiyiin, aqoonyahan iyo waxgarad ka soo jeeda Puntland, ee xubin ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, xilal muhiim ahna ka soo qabtey J. Federaalka Soomaaliyeed iyo Puntlandba waxaan soo jeedineynaa baaqa soo socota:
 
1. Waxaan soo dhoweyneynaa socdaalka uu ku imanayo Puntland Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaan aaminsanahay in ay ku soo aadey xilli muhiim u ah Somaaliya guud ahaan iyo Puntland gaar ahaanba. Waxaan u rajeyneynaa Madaaxweynaha iyo madaxda qaranka ee la socota safar kheyr leh.
Waxaan leenahay Madaxweyne ku soo dhowoow dalkaaga iyo deegaankaaga.
2. Waxaan shacab-weynaha Puntland uga mahad-celineynaa sida mugga leh ee ay isugu diyaariyeen soo dhoweynta Madaxweynaha Qaranka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Waxaan ka digeynaa in booqashada Madaxweynaha Soomaaliya in maamulka Puntland u adeegsado olole siyaasadeed iyo mid doorasho.

3. Waxaan bogaadinaynaa soona dhawaynaynaa heeshiiskii nabadeed ee dhexmaray labada beelood oo walaalalaha ee dagaalku ku dhexmaray deegaanka Qooriileey.

4. Waxaan xusuusineynaa shacab-weynaha Puntland in maalinta 8da Janaayo ay tahay maalin 5tii sannaba mar la doorto Madaxweyne iyo Madaxweyne-ku-xigeen, sidaas darted, ay mudnaanta leedahay maalintii doorasho jirto oo kaliya. Waxayse Puntland u dabaal-degtaa aasaaskeedii oo ah 01da Agosto sannad walba.

5. Waxaan xasuusineynaa Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo la doortey 4 sanno ka hor (08 dii Janaayo 2014 kii) in ay ugu muhiimsaneyd ballan-qaadkii in uu Puntland gaarsiiyo doorasho Hal Qof iyo Cod (one-man-one-vote), isagoo la rabay in shaqadaas u hawl-galo laga bilaabo maalintii la doortay.

Sida la ogtahay, Madaxweyne Gaas wuxuu ku celceliyey marar badan in uu ku fashilmidoono hogaaminta haddii uusan ku guuleysan himiladaas shacabka Puntland oo mudnaanta kuwaad u leh.
6. Nasiibdaroo,  Waxaa caado noqotay in Madaxweyne kasta marka uu xilkiisa uga dhiman tahay hal sano inuu isku dayo in uu xukunka kororsado, isagoo ku andacoonaya hawlo-qabyo ah iyo fulinta barnaamijka xisbiyaddda badan.
Sidaa awgeed,  Waxaan Madaxweyne Gaas waxaan uga digeynaa in uu ku fekero in uu isku dayo muddo kororsi, kaasoo sharcidarro ah, Puntlandna u horseedaya xiisad siyaasadeed, iska-hor-imaad iyo degenaansho la’aan.
7. Waxaan ugu baaqaynaa shacabka Puntland in ay ilaashadaan dawladnnimada, nabadda iyo kala dambaynta iyo saraynta Sharciga.
8. Ugu danbeyn, waxaan shacab-weynaha Puntland u rejeyneynaa guul, amni iyo maamul wanaagsan oo wax ka qabta caqabadaha badan ee manta horyaala Puntland sida Amnidarrada, Musuq-maasuqa, ku-tagrifalka hantida shacabka, sicir-bararka, daabacaada lacagta Faalsada ah, ballan-ka-baxa ballanqaadyaddii xakuumadda, baabi’inta sarreynta sharciga iyo ku tumashada dastuurka dalka.

Guul iyo Gobonnimo

Wabillahi Tawfiiq.
Waxaa saxiixey baaqaan:
 Janaraal Cabdullahi Ilka-jiir (Wasiir- hore Puntland & JFS)
 Xaaji Maxamed Yaasiin (Siyaasi & Musharrax-hore)
 Cali Xaaji Warsame (Wasiir-hore Puntland & Musharrax-hore)
 Duuliye-sare Khaliif Ciise Mudan ( Wasiir-hore Puntland)
 Siciid Cabdullahi Deni (Wasiir-hore JFS)
 Dr Maxamed Salaad Ali (Dakhtar iyo Aqoonyahan)

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here