Home Wararka Maanta Garoonka Diyaaradaha magaalada Garoowe oo si kumeelgaar ah loo furayo

[Sawirro]Garoonka Diyaaradaha magaalada Garoowe oo si kumeelgaar ah loo furayo

840
0
SHARE

GAROOWE – Waxaa ka soconeysa magaalada Garoowe ee caasimada Puntland qabanqaabada furitaanka Garoonka diyaaradaha cusub ee magaalada Garoowe oo dhismihiisu socday ku dhawaad lix sano.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madax kala duwan ayaa lagu wadaa in ay goobjoog ka ahaadaan xafladda furitaanka garoonka cusub ee Garoowe.

Shirkadda gacanta ku haysa dhismaha garoonka ayaa sheegtay in aysan weli dhameystirnayn dhismaha garoonka wax badana u dhiman yihiin dhameystirkiisa.

Sidoo kale weli waxaa gacanta lagu hayaa dhismaha Terminaalka iyo qaar kamid ah jidadka muhiimka ah oo qaarkood dhirayn iyo qurxin lagu wado.

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xubno kamid ah golihiisa Wasiirada ayaa maalintii jimacaha aheed kormeeray garoonka diyaaradaha Garoowe oo dhisme ka socdo.

Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa warbixin ka dhageystay howlwadeenada ku howlan dhismaha garoonka oo qaab casri ah loo dhisayo.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here