Home Wararka Maanta Koox Hubeeysan oo Degmada Xamar Weyne Ee Muqdisho Ku Dishay Labo Wiil...

Koox Hubeeysan oo Degmada Xamar Weyne Ee Muqdisho Ku Dishay Labo Wiil oo ilma Adeer Ahaa.

341
0
SHARE

Muqdisho:-Dilkaan ayaa waxa uu ka dhacay Koodka Degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho.

Kooxdaan hubeeysan ayaa waxa ay toogteen Labo wiil oo dhalinyaro ahaa oo la sheegay in ay ahaayeen ilmo adeer.

Labadaan Wiil ee dhalinyarada ahaa ee xalay la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Xuseen Cismaan Siidow iyo Cumar Maxamed Axmed Caafi.

Waxaa Masuuliyada dilkaasi Sheegtay Al-Shabaab oo warar ay ku baahiyeen warbaahintooda ku sheegay in ay katirsanaayeen Ciidamada NISA dhalinyaradaasi iyagana ayu dileen.

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca dilal qorsheeysan oo masuuliyadooda ay sheegtay Kooxda Al-Shabaab.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here