Home Wararka Maanta Wasiir Juxa”Waxaan saaka anigoo Airport-ka u socda, si aan u agaasimo booqashada...

Wasiir Juxa”Waxaan saaka anigoo Airport-ka u socda, si aan u agaasimo booqashada Madaxweynaha ee Puntland, idaacadda ka ogaaday in Xilkii Wasiirnimo layga qaaday. 

1383
0
SHARE

Waxaan saaka anigaa Airport-ka u socda, si aan u agaasimo booqashada Madaxweynaha ee Puntland, idaacadda ka ogaaday in Xilkii Wasiirnimo layga qaaday.

Xilku waa meerto waana loo siman yahay. Waxaan u mahadcelin Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Khayre oo igu sharfay inaan Xukuumaddooda ka mid noqdo.
Waxaan ku dadaalay intaan xilka hayay inaan qabto wixii karaankay ah.

Waxaan soo dhoweynayaa Wasiirka xilka igala wareegaya, waana ugu ducaynayaa in Ilaah Shaqada ku asturo.
Waxaan bogaadinayaa dhammaan intii ila soo shaqaysay, gaar ahaan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Golihii Wasiirada aan ka midka ahaa, shaqaalaha Wasaaradda, Hay’adaha Caalamiga ah iyo dhammaan asxaabtii aan shaqada iyo Shaashadaha isku baranay.

Dalku waa Federaal, taladu waa wadaag, Dantuna waa isku tolan, xataa haddii fekerka lagu kala duwan yahay.

Raali gelin iyo Cafis dhammaan intii aan qoobka isaga istaagnay intaan xilka hayay feker ahaan iyo shaqo ahaanba.
Guul iyo Gobanimo dhammaan

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here