Home Wararka Maanta SAWIRO+MUUQAAL:-Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdilaahi Ciise Nuur Oo Lagu Caano Shubay Deegaanka Buuro-Wadal!

SAWIRO+MUUQAAL:-Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdilaahi Ciise Nuur Oo Lagu Caano Shubay Deegaanka Buuro-Wadal!

1847
0
SHARE

Deegaanka Buur-wadal ee Gobolka Sool waxaa maanta Lagu Caleemo Saaray Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdilaahi Ciise Nuur,oo ah ugaaska guud ee Beesha Xasan Ugaas.

Madasha lagu Caano-shubayay Ugaas Maxamuud waxaa kasoo qayb galay Madax-dhaqameed, Siyaasiyiin, Culimo, iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada, Kuwaasi oo wakhtigu ku simay inay goob-joog ka Noqdaan Munaasiabada, Waxayna dhamaantood siwayn u soo dhoweeyeen Ugaaska Cusub, Iyadoona madasha looga soo jeediyey Dar-daaran iyo Duco.

Isimadii ka soo qeyb gashay waxaa ka mid ah Boqor Burhaan Boqor Muuse.Islaan Ciise Islaan Maxamed, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed,Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil iyo Isimo kale.

Siyaasiyiinta ka soo qeyb gashay ayaa waxaa laga xusi karaa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, Wasiiro iyo xildhibaano ka socday Puntland iyo Soomaaliya.

Ugu dambayntii waxaa halkaasi ka hadlay ugaaska Cusub ee beesha Xasan Ugaas Ugaas Maxamuud Ugaas C.laahi oo siwayn ugu mahad-naqay Dhamaan Bulshadii iyo waxgaradkii kasoo qayb galay Munaasibada, Sidoo kale wuxuu u mahad celiyey Beeshiisa oo uu sheegay inay iyagu Xilkaasi u garteen, Wuxuuna ugu dambayntii hadalkiisa kusoo Afmeeray Duco wanaagsan.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here