Home Wararka Maanta Dowladnimadu dad dana gaara leh deeq uma ahan !

Dowladnimadu dad dana gaara leh deeq uma ahan !

1375
0
SHARE

Qormadaydan ayaan ugu talagalay in saaxiibo badan ay ila wadaagaan taaasoo aan uga gol’leeyahay in faham ahaan aan kawada haysano dowladnimadu in aysan ahayn mid deeq gaara aysan u ahayn qolo gaar ah.

Dalkeena bur burkii kadib waxaa soo martay doowlado badan oo midba wax uun soo qabanaysay iyadoo doowlad waliba ay lakulmaysay marxalad adag taasoo lagu soo gaaray halka aan maanta joogno.

Doowlad hadda jirta ayaa dhalatay sanadkan dhamaanaya waxaana lagu doortay Madaxweyne Farmaajo oo si dimquraadiyadeed ugu wareegay xilka Madaxweynenimo.

Doorashadii kadib Madaxweyne Farmaajo waxa uu Wasiiirka koobaad usoo xushay R”Xasan Cali Kheeyre sida dastuurka uuqabana waxaa ansixiyay baarlamaanka federaalka soomaaliya si aqlabiyad ah.

Dhacdooyin badan ayuu soo maray bilihii lasoo dhaafay dalka taasoo igu dhalisay in aan qormadan aan qeeybo ugu soo qaadto.

Dalkeena sanadihii lasoo dhaafay wuxuu marti u ahaa mushkiladaha ay abuuraan kooxaha argagixisada sida ayagoo soo maleega qaraxyo iyo dilal joogta ah ay ku hayaan dhamaan bulshada qeeybaheeda kala duwan.

Bilihiii tagay inta ay dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo waxaa dhacay qaraxyo waaweyn oo ka qassara badnaa kuwii hore taasoo sabab u ahayd in argagixisadu ay bartilmaamedsadaan shacabka birimageeddada ah meelaha ay ubadan yihiin sida qaraxii Zoobbe 4tii Ogtobar ee xanuunka ugu weyn nagu wada beeray.

Dhacdooyinkaa dalka kadhacayay ayaa waxaa bar barsocday muwaadiniin Soomaali ah oo nagu cusub afkaarahooda aadka u adag ayaa wexey farriimo soo dhigayeen baraha bulshada waxayna iila muuqdeen kuwa loosoo carbiyay lagana soo dhaadhiciyay in doowladnimadu ay tahay mid iyaga uun ugaar ah.

Mushkiladaha dalkeena soo maray marwaliba wuxuu ahaa midba midka danbe kadaran taasoo aad arkayso in ay abuurmayaan dhallinyaro aan aaminsanayn in doowladnimadu ay tahay mid lawada leeyahay.

Astaamo ama calaamado ay isku aqoonsadaan ayaa loo sameeyay Ardayda isku haysata in doowladnimadu tahay mid iyaga ugaar ah taasoo aan ufahmay in bulshada laga sii durjinayo jacaylka ay uqabaan dalkooda in ay kajirto dowlad ay wada leeyihiin .

Kooxaha caada dhaqanka ahaan usamaystay in lagu argagixiyo erayo ay kamid yihiin “Qaran dumiye” “Dowlad’diid” iyo erayo badan oo aad noogu cusub.

Waxaa wax aad loola yaabo laga dhigay kala aragti duwnaasho siyaasadeed waxaana loo badalay “Hanti boobe iyo doowlado dibadeed ayaa dibin daabyo usoo wakiilatay”.

Halkaa haynoo joogto qaybta koobaad !
Dowladnimadu dad dana gaara leh deeq uma ahan !

Mahadsanidiin
Hassan Abdikadir Mudey

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here