Home Wararka Maanta Marakab Laga leeyahay Dalka Ruushka oo Lagu Arkay meel u dhow Xadka...

Marakab Laga leeyahay Dalka Ruushka oo Lagu Arkay meel u dhow Xadka Bada ee Britain.

792
0
SHARE

Maraakiibta dagaalka Britain ayaa dabagalay mid uu leeyahay Ruushka oo lagu arkay badda Waqooyiga UK, intii lagu gudajiray xilliga fasaxa ciidda masiixiyadda, sida ay shaaciyeen ciidammada badda ee boqortooyada.

Ciidamada Bada Britain ayaa shaaciyay in markab kaasi ay lasocon doonan dhaqdhaqaaqiisa madama uu usoo dhowaaday biya Britain isaga oo aan wax amar ah waydiisan Britain. Ruusha ayaa mudooyinkan ku hoolanaa sidii ay u badin lahaayeen maraakiibta dagaalka Wuxuuna Arintaa arintaa ku sheegay in dib u habeen lagu sameen doono dhamaan qalabka dagaalka badda ee wadanka Ruushka, hadaba Maxuu halkaa ka qabanayay Markabkan dhuumaleysiga ku joogay halkaa.

Markabka Admiral Gorshkov, waa noocii ugu horeeyay ee dagaal oo shaqooyiin badan qaban kara, welina wuxuu ku gudajiraa dhameystirka tijaaabada gantaallada, ka hor inta uusan billaabin howlihiisa ciidammada badda ee Ruushka, sida ay sheegeen warbaahinta Ruushka.Waxaa lagu warramay in si joogto ah uu ugu kala safrayay inta u dhexeyso xeebaha Ruushka iyo badda Baltic-gga.Wararka hadda ee ah in uu Britain ku soo dhowaaday, maysan caddeyn halka uu ku wajahnaa Markabkaasi.Maraakiibka Ruushka waxay adeegsadaan biyaha caalamiga ah ee badda Waqooyiga, iyagoo ku sii socda ama ka soo noqday Mediterranean-ka, waxayna ka howlgalaan Suuriya.

labadan wadan ayaa xariirkoodu wuxuu ahaa mid sii xumaanaya kadib qabsashadii Cremia taasoo ruushka uu fara maroojiyay dalka Ruushka waxaana masuuliyiin ingiriiska hawada u mariyeen ruusha dhowr jeer hadala Cara galiyay ruushka iyaga oo Taageero u fidioyay wadanka ukrain.

Dhanka kale Madaxa shaqaalaha difaaca ee Britan, Sir S. Peach, ayaa horraantii bishan sheegay in Britain iyo NATO ay u baahan yihiin in ay muhiimad siiyaan difaaca qadadkooda xiriirka Wuxuuna sheegay in ay suuragal tahay “in si dhaqso ah oo dhibaato macquul ah” ay noqoto arrinta, taas oo saameyn dhaqaale yeelato, haddii la jaro ama la carqaladeeyo fiilooyiinka internet-ka oo salka badda mara waxay isku xiraan dalal iyo qaarado.

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here