Home Arimaha Bulshada Sawiro:-Shirka Qurba-Joogta Beesha Siwaqroon oo Maalintii labaad ka socda Wadanka Sweden.

Sawiro:-Shirka Qurba-Joogta Beesha Siwaqroon oo Maalintii labaad ka socda Wadanka Sweden.

3587
0
SHARE

 

waa Maalintii labaad ee shirka beesha siwaaqroon oga soconaya wadanka Sweden gaar ahaan Magaalada Vesträs waxaana shirkaasi qadka Telefoonka oga qaybqaatay Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin waxaana uu ku bogaadiyay ururka midnimo dadaalka iyo horumarka in ay u horseedayaan beesha sidoo kale waxaa uu halkaa kasoo jeediyay talo siin dardaaran iyo baaq uu ugu baaqay alle ka cabsi ugu danbeytiina ugu duceeyay barnaamijka hormarineed ee Qurba joogta beesha siwaaqroon ay wadaan.

Sidoo kale waxaa shirkan goob joog ah oo ka qaybqaadanaya isimo cuqaal iyo wax garad ka soo jeeda beesha waxana ugu horeeyntii ay mahad gaar ah u celiyeen soo abaabulayaashii shirkan martigaliyay ee reer Vesträs kuwaasi oo muujiyay dadaal dheeraad iyo dulqaad baaxad wayn iyaga oona ku guuleystay in Qurba joogta beelwaynta Siwaqroon ay isu keenan si markaa looga wada hadlo hurumarka beesha.

Sidoo kale Suldaan Cabdiqaadir Maxamed Yuusuf Sarcad oo kamid ahaa isimada ka hadlay shirkaa ayaa ku nuux nuuxsadey in ay muhiim tahay in beesha meel walba ay joogto ay u istaagaan hurumarka deegaanada ay beeshu degto.

Suldaan Xaaji Xuseen Ramadan ayaa sidoo kale isaguna halkaa ka hadlay waxaana uu ku raacey suldaan sarcaad in lagawada shaqeeyo hurumarka beesha iyo deegaanada ay degto.

Dhanka Ganacsatada ayaa waxaa u hadlay Ganacsade Maxamed Siciid Maxamed Ciryar oo isagu shirkaan ooga yimi wadanka Austria waxaana uu sheegay sidoo kale in hurumar ka deeganada ay isagu u leedahay muhiimad gaar ah shir walba oo looga hadlayo Hurumarinta deegaanada beesha uu Taagero la daba taagan yahay isaga oo dhaliilo usoo jeediyay Madaxda Dowlada Puntland oo uu sheegay in ay ka gaabiyeen u shaqaynta shacabka reer Puntland.

Pro. M. M Muuse oo isaguna sidoo kale ka hadlay muhiimada uu leeyahay shirkaan iyo kuwa kale oo dhici doona isaga oo na  ka jawaabay su,aalo lawaydiiyay oo ku saabsanaa ujeedka shirkan.

Sidoo kale Xoghaye Bashiir Xaaji ayaa isaguna halkaa hadal kooban kasoo jeediyay isaga oo ku bogaadiyay kasoo qaybgalayaasha in ay ilaaliyaan Agendaha Shirka iyo saacadaha shirarka soconayan waxaana uu soo bandhigay in Qodobada laga wada munaaqashoon karo waxna laga badali karo waxaana ugu danbeyntii dhowr Qodob laga badalay qodobadii ay soo diyaariyeen Guruubka walalaha MIDNIMO.

Waxaa sidoo kale halkaa goobjoog ahaa Siyaasi Iidi Cabdiqaadir oo isagu ahaa gudoomiyihii Gobalka Guardafuu waxaana laga dhageystay warbixin ku saabsan dhulkii iyo waxa muhiim ah in wax laga qabto.

Ugu danbeyntii ayaa waxaa loo Mahadceliyay Caaqil Cade iyo Aamina Muuse sida sharafta leh ee usoo agaasimeen hoolka uu ka dhacayo shirkan.

Faahfaahinta shirkan iyo qodobadii kasoo baxay waxaa kaga bogan doontaa wararkeena iyo Barnaamijyadooda danbe.

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here