Home Wararka Maanta Shacab ku Dhintay Shil Tareen oo ka dhacay wadanka Mareykanka.

Shacab ku Dhintay Shil Tareen oo ka dhacay wadanka Mareykanka.

1027
0
SHARE

Waxaa la xajiiyay dhimashada 3 ruux ilaa iminka kadib markii Tareen rakaab siday uu u kala go,ay laba qaybood oo ay qayb kamid ah na ay ka dul dagatay wado ay isticmaalaan Gaadiid ka caadiga ah shilkaan khasaaraha geystay ayaa waxaa uu ka dhacay Magaalada Washington ee dalka Mareykanka .

Boliiska ayaa xaqiijiyay in 72 qofood loo qaaday Cisbitaalka halka dhimashada aysan kala cadayn in ay ka badan tahay 3 da ruux ee iyagu tareenka ku Qurbaxay.

Shilkaan ayaa dhacay xili isu socodka dad waynaha uu aad u badnaa oo dad badani ay shaqatagayeen.

Tareenka ayaa ka dul dagtey baabuur isticmaalaysay wado ka hooseysa khadka Tareenka waxaana halkaasi ka dhacay dhaawac iyo burbur gawaari oo fara badan.

Tareenka wuxuu ka soo baxay Seattle, wuxuuna ku sii jeeday Koofurta Portland. Wuxuu Tareenka ku kala go’ay meel tareenno badan ay isticmaalaan.

Qeyb ka mid ah tareenka oo ka soo raaracday buundo dusheeda ayaa la arkay, halka qaar kale ay waddada iyo geedaha dushooda fuuleen.

Tareenka wuxuu siday 86 qof oo ka koobnaa 77 rakaab ah iyo toddobo shaqaalaha tareenka ah iyo farsamo yaqaanno.

Booliska waxay sheegeen in 19 qof la qaaday ayagoo aan dhaawac ahayn halkan 72 ay dhaawacmeen oo 10 ka mid ah ay qabaan dhaawacyo halis ah.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here