Bern:-Baarlamaanka Switzerland ayaa go’aan ka gaaray Mas’uuliyiinta hogaamin doonta Switzerlans sanadka 2018-ka.
Alain Berset iyo Ueli Maurer ayaana loo kala doortay Madaxweyne iyo Madaxweyne Ku-xigeenka ee Golaha Federaalka Switzerland.
Golaha Baarlamaanka ayaa Labadan Mas’uul doortay xilka cusub Doorashashadii shalay oo Arbaco ah ka dhacday xarunta ay Dowladda ee Federal Palace of Switzerland Bern.
Alain Berset oo 45 jir isla markaana ku dhashay Magaalada Fribourg waxa uu ka tirsan Xisbiga Social Democratic Party of Switzerland SP ee loo soo gaabiyo wuxuuna Madaxweynaha Switzerland ilaa dhamaadka sanaka cusub 2018ka.
Berset waa markii ugu horeysay ee taariikhda Madaxweyne uu ka noqdo Switzerland wuxuuna Golaha Fulinta Switzerland ku soo biiray sanadkii 2012 wuxuuna xilka kala wareegay Doris Leuthard .
Ueli Maurer oo 67 jir isla markaana ku dhashay Degmada Wetzikon ee Gobolka Zurich waxa uu noqon doono Madaxweyne ku-xgeenka Switzerland .
Maurer oo ka tirsan xisbiga Midigta ee SVP ee cunsuriinta ah isagu kuma cusba hogaanka sare ee Dalkan kal hore ayaa waxa uu u soo noqday Madaxweyne sanadkii 2013-da halka sidoo kale uu soo noqday Madaxweyne Ku-xigeen sanadkii 2012.
Si kastaba ha ahaate Labadan Mas’uuliyiin ee la doortay ayaa waxa horyaalo in ay wax ka qabataan arimo badan oo ay ugu horeeyaan Canshuuraha, Macaamilka Midowga Yurub iyo Magangalyo doonka imaanaya Switzerland.
Cabdiqani Cali Dalmar
Umada News
dalmar@gmx.ch
Bern-Switzerland

