Home Wararka Maanta COD:-Sarkaal Lagu Magaacabi jiray Ibraahim Cal Magafe oo Lagu Dilay Gaalkacyo

COD:-Sarkaal Lagu Magaacabi jiray Ibraahim Cal Magafe oo Lagu Dilay Gaalkacyo

446
0
SHARE

Sarkaalkan oo lagu dilay qaraxaas ayaa lagu magacaabaa Cali Ibraahim Cali oo lagu Naynaasi Jiray ( Cali Magafe ), dhawac loogu qaaday Isbitalka guud ee gobolka Mudug ayuu ugu geeriyooday qaraxaasi.

Ciidamada Booliska gobolka Mudug oo la wareegay goobtii qaraxaasi ka dhacay ayaa wadda baaritaano ku aadan sida uu qaraxu u haleelay masuulkan mana jirto hawlgalo laga sameeyey cid loo soo qabtay.

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Mudug Aadan Nuur Qaal oo saxaafada kula hadlay Xarunta Taliska Qaybta Ciidamada Booliska gobolka Mudug ayaa tacsi u diray Saraakiishii uu ka geeriyooday iyo sidoo kale Eheladii uu ka tagay.

Taliyaha ayaa gaba gabadii wuxuu sheegay inay ciidamada Booliska iyo Sirdoonku ay wadaan Baaritaano ku aadan Sidii wax u dhaceen iyo halka gaarigan qaraxa looga soo xira.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here