Home Wararka Maanta AKHRISO:-Qodobada ay ku heshiiyeen Gal-mudug iyo Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca

AKHRISO:-Qodobada ay ku heshiiyeen Gal-mudug iyo Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca

570
0
SHARE

Iyadoo dhawaan dalka jabuuti uu ka furmay wajiga labaad ee wadadhadalada u dhaxeeya maamulada Galmudug iyo Ahmlu suna ayaa waxaa wararka laga helayo shirkaasi ay sheegayaan in labada dhinac ee Galmudug iyo Ahlu sunaba ay gaareen heshiis hor dhac islamarkaana isla garteen qodobo dhowr ah.Qodobbada ay illaa hadda isku af-garteen labada maamul ayaa kala ah;

Qodobbada ay illaa hadda isku af-garteen labada maamul ayaa kala ah;

1. In Ahlu Sunna ay aqbashay magaca Galmudug.

2. In Ahlu Sunna ay aqbashay ku biiritaanka Galmudug.

3. In Ahlu Sunna ay xubno ku yeelato Baarlamaanka Galmudug.

4. In Ahlusunna ay yeelato Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Galmudug iyo Taliye-yaasha Ciidamada Nabad Suggida & Booliska Galmudug.

5. In sidoo kale Ahlusuna ay yeelato Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ku xigeenkiisa, 11 xildhibaan iyo 5 Wasiir.

Ugu dambeyn, Tallaabadaan ayaa muujinaysa in Ahlusunna ay si rasmi ah ugu biirayso maamulka Galmudug, kaddib khilaaf muddo dheer soo socday, waxaana la filayaa in qodobbo kale oo xasaasi ah ay is-af-garad ka gaaraan  dhinacyadan.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here