Home Wararka Maanta Umada News oo Heshay Documenti Sir Ah oo Lagu Qiyaanayo Ganacsatada iyo...

Umada News oo Heshay Documenti Sir Ah oo Lagu Qiyaanayo Ganacsatada iyo Xoogsatada Dekada Boosaaso!

635
0
SHARE

Waxaa dhawr casho hakad mar labaad galay dhaq dhaqaaqa dekada magaalada Boosaaso taas oo ilaa hada aysan muuqan xal rasmi ah oo laga gaaray si dekada u sii shaqeyso.

Dhawaan bay ahayd marka Madaxweyne Abdiwli Cali Gaas uu heshiis mugdi ku jiray la galay Hay’ada DPworld ee laga leeyahay Dalka Imaaraadka Carabta , shirkadaasi ayaana si rasmi ah wareegtay maamulkii dekada Boosaaso.

Talaabooyinkii ugu horeeyay oo ay shirkada DP World qaado ayaa waxaa ugu horeeyay iyadoo Si lama filaan ah Tariff kala duwan ugu soo rogtay badeecadihii ka soo degi jiray dekada taas oo sababatay in maciishada ay korartay iyo danyarta oo ay aad u saameysay.

Sidoo kale waxaa haatan muuqata in ganacsatadii wax kala soo degi jirtay Dekada Magaalada Boosaaso ay u wareegen dhanka iyo Magaalada Berbera ee Somaliland.

Shacabka Puntland ayaa gabi ahaanba ka soo horjeeda heshiiskaan, Waxaana la fili karaa in arintaan xasilooni daro siyaasadeed horseedo.

Halkan Hoose Ka eeg Documenti Sir ah oo ay heshay Shabakada Wararka ee Umada News kaa oo laga qariyay Ganacsatada

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here