Xaflada Caleema saarka Madaxweynaha Wadanka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta lagu qabtay Garoonka Kasarani Stadium ee ku yaala magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya.
Xafladda ayaa waxaa ka qeyb galay ilaa 10 hogaamiye oo African ah iyo marti sharaf kale, sidoo kale waxaa ka qeyb galay Shacab badan oo Kenyan ah sida ay ku warameyso warbaahinta Dalkaasi.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka mid ah Madaxda ka qeyb galeysa shirka waxaana xafladda ka dib uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonayaa madaxda shirka ka qeyb galaya.
Uhuru Kenyatta ayaa mar labaad ku guuleestay doorashadii ku celiska aheyd ee ka dhacday Kenya 26-October ee sanadkaan ka dib markii uu tartanka ka haray hogaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Kenya Railo Odinga.