Home Wararka Maanta Hadii Aad u guurto Degmada Albinen ee Switzerland waxaad Abaal marin u...

Hadii Aad u guurto Degmada Albinen ee Switzerland waxaad Abaal marin u heleysaa lacag dhan 25000 oo Doolar!

1376
0
SHARE
Sion:-Waa dhif iyo naadir in la helaa fursadan oo kale balse waxa ay u baahantahay in la helo dadkii ka faa’iideysan lahaa.

Hadaba Degmada Albinen ee Gobolka Sion waxaa ka banaan fursad aad u qaali ah oo qof kasta uu ku heli karo dhaqaalo aad u badan,waa hadii uu raaco sharuudaha loo soo bandhigo.

Gudoomiyaha Deegaanka Albinen oo ka tirsan Degmada Leuk ee Gobolka Vallis ee Switzerland  Beat Jost ayaa ku dhawaaqay qorshe dhiiri galin ah oo uu doonayo in deegaanka uu madaxda ka yahay uu ugu helo dad badan oo deegaan ka dhigta.

Maamulka Tuulada Albinen ayaa ku dhawaaqay in qofka qaangaarka ah soo dega tuuladaasi uu heli doono aduun lacageed oo  dhan 25,000 oo franc Switzerland ah oo u dhiganta (25,462 oo doolarka American ah).

Qofka nasiibka u yeelan doono lacagtaasi abaal marinta ah aan kor ku soo xusnay ayaa sharuud looga dhigay in da’diisa aysan ka weynin 40 sano jir .

Waxaa sidoo kale fursada qeyb ka ah Caruurta Da’yarta ah ama aan qaan gaarin waxaa iyagana loo  balanqaaday in la siin doono lacag dhan 10,000 oo Franc Swiss ah ii u dhiganta 10184 Us Dolar.

Talaabadan ayaa timid kadib markii dadkii deganaa deegaankaasi ay inta badan isaga guureen waxaana madaxweynaha Tuuladasi uu ku qasbanyahay hadii uusan xal kale helin in uu albaabada isugu dhufto dhamaan Goobaha Waxbarashada ,kadib markii ay soo xaadireen Schoolka 5 arday oo qura.

Si kastaba ha ahaate fikirkaan ayaa looga dan leeyahay in Degmada Albinen ay dib u hesho dadkii hore u dagnaa ama dad cusub ay soo dagaan.

Ugu danbeyntii arintaan ayaa lagu tilmaanay in ay tahay  fursad weyn  waxaana la filayaa in dad badan ay ka faa’iideestan fursadaasi.

Waxaa Turjumay
Cabdiqani Cali Dalmar
Bern-Switzerlan

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here