Home Wararka Maanta SAWIRRO:-Xaaf iyo Ku-xigeenkiisa Carabey Oo Heshiis ah Oo Gaaray Dalka Jabuuti!

SAWIRRO:-Xaaf iyo Ku-xigeenkiisa Carabey Oo Heshiis ah Oo Gaaray Dalka Jabuuti!

482
0
SHARE

Waxaana sidoo kale dalka jabuuti gaaray madax ka socota Ahulu-Sunna Waljameeca oo uu ugu horeeyo Sheekh  maxamed shaakir cali iyo ku xigeenkiisa cali baashi waxaana la filayaa in labada dhinac ay isla garaan is afgarad iyo heshiis kadib markii ay fashil ku dhamaadeen wajigii 1-aad ee  wada hadalada  bishan gudaheeda ka furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wada-hadalka  u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlusuna Waljameeca garwadeen ka noqon doona  Urur Goboleedka IGAD, waxa uuna socon doonaa 27 ilaa 29 bishan November, labada dhinac ayaa la filayaa in ay is afgarad ku gaaraan halkaasi.

Labada Mas’uul oo bilihii la soo dhaafay is khilaafsanaa ayaa hada la xaliyay khilaafkooda, kaddib markii Madaxweyne Farmaajo uu waan waan ka dhex bilaabay, isla markaana labada dhinac isku soo dhoweeyay.

Wararka ayaa intaa ku daraya  in Madaxweyne Xaaf, kuxigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir la heshiisiiyay, isla markaana la xaliyay wixii khilaaf ahaa ee u dhaxeeyay.

Madaxweyne Xaaf iyo kuxigeenkiisa Carabey ayaa si wadajir uga qeyb galaya wada hadalka iyaga iyo maamulka Ahlusuna ku dhex mari doona dalka Jabuuti, oo  garwadeen ay ka tahay  Urur Goboleedka IGAD.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here