Home Wararka Maanta Ra’isul wasaare Kheyre oo Damacsan in xilka uu ka qaado Mid ka...

Ra’isul wasaare Kheyre oo Damacsan in xilka uu ka qaado Mid ka mid ah Wasiirada ugu Muhiimsan Xukuumadiisa!

1004
0
SHARE

Muqdisho:Ilo xog ogaal ah oo lagu kalsoonan karo ayaa sheegay  Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre uu saacadaha soo socda  la filayo in xil ka qaadis lagu sameeyay mid ka mid ah Wasiirada ugu muhiimsan xukuumada Soomaaliya.
Warar lagu kalsoonaan karo ayaa inoo xaqiijinayo in Wasiirka la doonayo in xilka laga qaado lagu magacaabaa Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo ah Wasiirka Maaliyada Soomaaliya.

Ra’isul wasaare Khayre iyo Wasiir Bayle ayaa la sheegay in ay isku qabteen arimo la xiriira Canshuuraha gaar ahaan Arimaha Caanshuur dhaafka.

Khayre ayaa doonayo in wixii la xidhiidha arimaha canshuuraha la soo mariyo xafiiska halka wasiirka Maaliyada la sheegay in uu arintaasi ka dhego adeegay.

Si kastaba ha ahaate Wasiir Bayle oo ka mid ah xubnaha ugu firfircoon xukuumada haatan jirta  ayaa la sheegay in mudooyinkan danbe uu aad u xumaaday xiriirka kala dhaxeeya Ra’isul wasaarihiisa.

Saaka ayaey eheed kolkii wareegto ka soo baxday Xafiiska  Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya xilka ka qaaday Wasiirka Ow-qaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya Dr. Iimaan C/llaahi Cali, lamana shaacin wali sababta wasiirkan xilka loga qaaday.

Todobaadkii hore ayaa waxaa iscasilay Wasiirkii Gargaarka Dr. Maryan Qaasim,waxaana sidoo kale ka sii horeeyay iscasilaad uu sameeyay Wasiirkii Gaashandhiga Soomaaliya.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa lagu dhaliilaa in uu yahay shaqsi Golaha wasiiradiisa u gacan dhaafo arimaha la xidhiidha wasaaradaha ay Madaxda ka yihiin.

Faah faahinta kala soco dhowaan Warbaahinta Umada News

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here