Home Wararka Maanta Kulan Dhaqaalo Loogu Aruurinayay Dhismaha Garoonka cusub Garowe oo ka dhacay Magaalada...

Kulan Dhaqaalo Loogu Aruurinayay Dhismaha Garoonka cusub Garowe oo ka dhacay Magaalada Freiburg Switzerland!

1955
0
SHARE

Munaasabad dhaqaalo loogu aruurinayo Dhismaha Madaarka cusub ee Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ayaa maalintii shalay eheed waxaa lagu qabtay Magaalada Freiburg ee Dalka Switzerland.

Munaasabadan oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan Bulshada Reer Puntland ee degan Switzerland ayaa sidoo kale waxaa khadka telefoonka ugu qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumada Puntland .

Kulankan dhaqaalaha loogu aruurinayay Garoonka Cusub ee Garowe ayaa waxa ugu horeyntii lagu furay Aayadaha Qur’aanka kariimka sidoo kale waxaa laga soo jeediyay Kalmada Diini ah oo isugu jira alle ka cabsi, Dardaaran, waano , iyo Guubaabo.

Sidoo kale waxaa warbixin kooban laga dhageystay Guddigii soo qaban qaabiyay kulankan, guddiga ayaa ka sheekeeyay dhibihii ay soo mareen iyo halka ay taaganyihiin imika iyo waxyaabaha qabsoomay.

Sidoo kale inta uu kulankan socday waxaa khadka Telefoonka ugu qeyb qaatay Wasiiru Dowlaha Wasaarada Duulista Hawada iyo Garoomada Cabdiqani Geelle iyo Xildhibaan Saciid Samatar Surcad oo ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland.

Gunaanadkii Munaasabada waxaa bilaabatay dhaqaalo aruurin guud oo loo sameeyay Dhismaha Garoonka Garowe, howshaasi dhaqaalo aruurinta ah ayaa waxaa ka qeyb qaatay  dhamaan dadkii madasha ka soo qeyb galay Kulanka.

Si kastaba ha ahaate Munaasabadan ayaa waxa ay ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan.

Halkan Hoose ka Daawo Muuqaalka Kulankii Shalay ka dhacay Freiburg.

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirro

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here