Home Wararka Maanta SAWIRRO:-Abuukar goley ” Caawa waxaan sagootinay 32 Bukaan oo Xaaladooda Caafimaad ay...

SAWIRRO:-Abuukar goley ” Caawa waxaan sagootinay 32 Bukaan oo Xaaladooda Caafimaad ay soo wanaagsanaatay “

591
0
SHARE

Abuukar goley ” Caawa waxaan sagootinay 32 Bukaan oo Xaaladooda Caafimaad ay soo wanaagsanaatay ”

Qunsulka Safaarada Soomaaliya ee Dalka Suudaan Abuukar Cabdikariim “Goley” ayaa Warbaahinta sheegay inay garoonka Caalamiga ah ee Magaalada Khartoum ee Caasimada Suudaan ay ka sagootiyeen 32 qof oo ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay qaraxii 14kii Bishii hore ka dhacay Isgoyska Zoobe kuwaa oo  Xaaladooda Caafimaad lagu dabiibayay Dalka Suudaan gaar ahaan Caasimadda Khartuum.

Qunsulka Safaaradda ayaa sheegay inay ka qeyb qaateen Sagootinta dadkaasi Jaaliyadda, Safaaradda, ganacsato, iyo Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta Dalka Suudaan, waxaa uu intaa ku daray qunsulka in bukaanadan ay yahiin Qeybtii labaad ee laga sagootiyay Dalka Suudaan tan iyo markii la keenay Suudaan dhaawacyadasi.

Akhriso Magacyada: 32 kamid ah Dhaawacyadii loo Qaaday Suudaan ee Maanta dib loogu soo celiyay Muqdisho.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here