Home Wararka Maanta Natiijadii Doorashada Maamulka Soomaaliland Oo Lagu Dhawaaqayo.

Natiijadii Doorashada Maamulka Soomaaliland Oo Lagu Dhawaaqayo.

638
0
SHARE

Guddiga doorashada Somaliland ayaa go’aamiyey in natiijada si rasmi ah loogu dhawaaqo Galabta 3:00PM oo haatan wakhti kooban ka dhimanyahay sida ey sheegeen mas’uuliyiin ku sugan xarunta guddiga doorashada

Guddiga oo ka kooban 7 xubnood ayaa looga fadhiyaa in ay shaaciyaan cidda guushu ku raacday doorashadii 13 bishaan laga qabtay guud ahaan Somaliland.

Xisbiga Waddani ayaa maalintii shalay qaaddacay natiijada ka soo bixi doonta doorashada,waxayna sheegeen in ku shubasho la sameeyey,inkastoo guddiga doorashada Somaliland beeniyey eedaymtaasi.

Ilaa iyo haatan lama oga in dhammaan saddexda musharrax imaanayan xarunta looga dhawaaqayo natiijada.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here