Home Wararka Maanta Madaxweyne Robert Mugabe oo Aqbalay in uu Xafiiska Isaga Tago!

Madaxweyne Robert Mugabe oo Aqbalay in uu Xafiiska Isaga Tago!

1056
0
SHARE

Mädaxweynahaha Zimbaabwe Robert Mugabe ayaa ogolaaday inuu mudo 37 sano ka dib uu xukunka Madaxtinimada dalkaasi uu ka dego.

Sida ay soo warisay Wakaaladda Wararka Reuters ee Dalka Britain waxay Talaabada uu qaaday Mugabe ay ka dambeysay kadib markii ay wada hadallo dhex mareen Taliyaha Ciidamada qabsaday dalkaasi.

Dhanka kale Idaacadda iyo Telefishnka dalka Zimbabwe ayaa soo wariyay in Robert Mugabe uu maanta hadal u jeedin doono shacabka dalkaasi.

Warku wuxuu intaa ku daray In Xisbiga talada haya ee dalkaasi ZANU–PF uu musharaxa hogaamiyaha Xisbiga dalkaasi u doortay Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalkaasi ninka lagu magacaabo Emmerson Dambudzo Mnangagwa isagoo u taagan tartanka Madaxtinimada dalkaasi oo dhici doonta 2018ka.

Musharaxan u taagan tartanka Madaxweyninimada daalkaasi Zimbabwe isla markaana loo doortay Hogaamiyaha Xibiga awooda ku leh dalkaasi ayaa Todabaadyo ka hor xilka Madaxweyne ku xigeenka dalkaasi laga eryay, taasoo sababtay inuu mileteriga Zimbabwe uu xiisadda dalkaasi uu soo dhaxgalo.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here