Home Wararka Maanta SAWIRRO:-Shirka Dhalinyarada Barlamaanada Afrika oo lagu soo gabagabeyay Magaaladda Khartuum! !ee Caasimadda...

SAWIRRO:-Shirka Dhalinyarada Barlamaanada Afrika oo lagu soo gabagabeyay Magaaladda Khartuum! !ee Caasimadda Dalka Suudaan.

372
0
SHARE

Shirkane oo socday muddo sadax Maalmood islamarkaane ay soo qaban qaabiyeen Barlamaanada Afrika qeybtiisa Dhalinyarada ayaa waxaa inta badan diirada lagu saarayay Shaqa la’aanta, Tahriibka iyo sida Dhalinyarada Qaarada Afrika ay xubin ugu noqon lahaayeen Dowlad wanaaga.

Waxaana Shirka lagu marti qaaday islamaarkane ka qeyb galay xubno ka socday Barlamaanada Wadamada Afrika qaarkood iyo Ururada Dhalinyarada Wadamada Afrika.

Xildhibaan CabdiXakiim Macalin Axmed {Maalin} oo Soomaaliya u matalayay Shirkan ayaa kalmad ka jeediyay shirka isagoona ka warbixiyay xaaladda Dhalinyarada Soomaaliyeed iyo doorka fiican ay ku leeyahiin Siyaasadda Soomaaliya, waxuuna sheegay in dhalinta Soomaaliyeed ay kaalin wanaagsan ugu jiraan horumarka Dalkooda.

Dhanka kale Xildhibaan Cabdow Sakiye oo ka socday Barlamaanka Jabuuti oo Saxaafadda la hadlay ayaa asigana sheegay in waxyaabahii sida gaarka ah loo lafaguray ay ahaayeen sida dhalinyarada Afrika loo fahamsiin karo in wadankooda uu yahay Qani iyo sida tahriibka loogu joojin lahaa Dhalinta Afrika.

Gabagabadii Shirkan ayaa waxaa ka soo baxay qodobo wax ku ool ah iyadoone loogu fadhiyo Dal walba waxyaabihii ka soo baxay shirka inay  meel maraan.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here