Home Wararka Maanta Finland: Ururka Puntland Community oo si rasmi ah loo mamnuucay markii uu...

Finland: Ururka Puntland Community oo si rasmi ah loo mamnuucay markii uu falisay!!

1117
0
SHARE

Ururka Puntland community ayaa si rasmi ah ugu biiray listka ururada iyo shirkadaha falisay ee sedex bilood kadib  laga tirtirayo listka diiwaangelinta ee  ururada iyo shirkada Finland. Waxaa ururkaas fadeexad iyo musuq maasuq kasoo gaartay kadib markii uu lunsaday si khaldana umaamulay lacago deeq loogu siiyey inuu bulshada ugu adeego. Lacagahaas oo si khaldan oo isdabmarin loo isticmaalay, heer uu ururka bixin waayey qarashaadkiisa daruuriga ah ama (Running cost).

Waxaa linkiga hoose kujira listka shirkadaha iyo ururada laga saaray diiwaangelinta ururaada iyo shirkadaha Finland. Ururka Puntland community ayaa kaga jiraa tirada 133

A list of all companies that have been declared bankrupt in Finland in October 2017 can be found at:

http://asiakastieto.fi/pdf/konkurssilista.pdf

Fadexada Puntland community ayaa noqotay war ay hadal haayeen dhanmaan jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Finland, gaar ahaan jaaliyada Puntland, maadaama maamulaha ururka Puntland Community C/fataax Jannagale ay dhawaan usoo magacday xukuumada Puntland Wakiilka Puntland ee dalka Finland.

Qiyaas ahaan labo asbuuc kahor waxaan soo daabacnay fadeexadii hore ee ku saabsaneyd in ururka Puntland community kamid yahay ururada black listka ka galay dalka Finland. Warkaas oo ahaa mid aan kasoo xiganay xubno katirsan  jaaliyada Puntland ee dalka Finland iyagoo nala wadaagay jaraa’idadii finishka ahaa lagu soo qoray.

Hadaba dadka wararkaas beeneynaya waxaan ka codsaneynaa ineysan Umadanews ku eedeyn nin jecleysi iyo kooxeysi darteed oo ay xaqiiqda abaaran warkaasna ku qabsadaan jaraa’idka weyn (Iltasanomat) ee dalka Finland oo warkaas aannu kasoo xigannay.

Linkiyaasha warkaasna aan ku faafinay qoraalkeenii hore oo aad halkaan ka heleyso:

http://www.umadanews.com/2017/11/02/fadeexad-ururka-puntland-community-ee-dalka-finland-oo-fadeexad-laguha-la-galay/

http://asiakastieto.fi/pdf/konkurssilista.pdf

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here