Home News In English Taliyihii Ciidanka Nabad Sugida Wadooyinka Taraafikada Jenaraal Cali Maxamed Cali oo Geeriyooday

Taliyihii Ciidanka Nabad Sugida Wadooyinka Taraafikada Jenaraal Cali Maxamed Cali oo Geeriyooday

904
0
SHARE

Muqdisho:-Alle ha u naxariistee Waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Taliyihii Ciidanka Nabad Galyada Wadooyinka Taraafiko Jenaraal Cali Maxamed Cali, oo mudooyinkii lasoo dhaafay xanuun uu hayay.

Taliyaha ayaa xalay ku geeriooda gurigiisa sida ay xaqiijiyeen eheladiisa, waxaana maanta lagu wadaa in lagu aaso qabuuro ku yaala magaalada Muqdisho kana qeyb galaan aaskiisa saraakiil kala duwan.

Jenaraal Cali Maxamed Cali ayaa maalmo kahor xilkiisa si KMG ah ugu wareejiyay kuxigeenkiisa kadib xanuun kusoo laabtay, waxa uuna ugu dambeyn xanuunkaasi u geeriyooday xalay.

Sargaalkan ayaa dhawaan lagu bedelay Taliyihii hore ee Ciidanka Taraafikada Gen Cali Gaab, kadib markii uu kasoo laabtay Daaweyn loo geeyay dalka Hindiya.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here