Home Wararka Maanta WARBIXIN:- Switzerland oo Qaxooti ka soo qaadaneyso Xeryaha Dalka Libya.

WARBIXIN:- Switzerland oo Qaxooti ka soo qaadaneyso Xeryaha Dalka Libya.

1030
0
SHARE

Wasiirka Cadaalada iyo Arimaha Qaxootiga Switzerland Simonetta Sommaruga isla markaana ka tirsan Golaha Sare ee Federaalka  ayaa wareysi gaar ah oo ay siisay Jariirada NZZ am Sonntag waxa ay sheegtay in ay dowladda Switzerland ay qorsheeneyso  sida ay qaxootiga Afrikan ah ugu soo qaadan laheed Xerooyinka ku yaal Dalka Libya.

Simonetta  oo haatan ku sugan Dalalka Waqooyiga Afrika ayaa shaacisay in ay xooga saari doonta sidii ay ku soo qaadan laheed Haweenka iyo Caruurta Qaxootiga ah ee ku jira xerooyinka Dalka Libya.

Qorshahan qaxootiga lagu soo qaadayo ayaa qeyb ka ah Barnaamij lagu qeybsanayo in ka badan 40.000 oo qaxooti ah kuwaa oo la filayo in qaab sharci ah ay u qeybsadan Dalalka Yurub.

Cabdiqani Cali Dalmar
Umada News-Bern
dalmar@gmx.ch

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here