Home Wararka Maanta SAWIRRO:-Taliyihii Ciidanka booliiska Gen. Saacid oo maanta Xilka wareeejiyay

SAWIRRO:-Taliyihii Ciidanka booliiska Gen. Saacid oo maanta Xilka wareeejiyay

778
0
SHARE

Taliyihii hore ee ciidanka Booliska Soomaaliya Jen. C/xakiin Dahir Saciid (Saacid) ayaa maanta xilkiisa si KMG ah ugu wareejiyay Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax oo ahaa taliye kuxigeenka 1aad ee ciidanka booliiska.

Munaasabad uu maanta xilka ku wareejinayay Taliyihii hore ee Ciidanka booliiska ayaa lagu qabtay Dugsiga Tababarka Booliska ee Jen. Kaahiye, waxaana munaasabnada kasoo qeyb galay Saraakiil katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya.

Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax oo horey u ahaa Taliye kuxigenkii Saacid ayaa si KMG ah u sii ahaan doona taliyaha ciidanka booliiska inta laga soo magacaabayo Taliye cusub.

Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ayaa maalmo kahor xilka ka qaaday Taliyihii ciidanka booliiska iyo Nabad sugida kadib Weerarkii Al Shabaab ku qaadeen Hotelka Naasa Hablood 2.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here