Home Wararka Maanta Fadeexad:- Ururka Puntland Community ee dalka Finland oo Fadeexad Laguha...

Fadeexad:- Ururka Puntland Community ee dalka Finland oo Fadeexad Laguha La Galay!

1107
0
SHARE
Wargeys ka tirsan wargeysyada ugu afka dheer dalka Finland (Iltasanomat) ayaa jimcihii lasoo dhaafay warbixin dheer ka diyaariyay ururo Afrikaan iyo Somali leedahay oo suuqmadow iyo isdaba marin lagu soo eedeeyay. Ururada Soomaaliyeed ee fadeexadaha lagu helay waxaa kamid ah ururka Puntland Community ry iyo ururka Somaliland Development Organization.
Gaar ahaan ururka Puntland Community ry oo sawirka warbixinta lagu xusay cinwaankiisa internetka ee (www.puntland-community.net/)

Ururadaas ayaa iyagoo suuqmadow kujira oo maareeyn waayey dhaqaalahooda la siinaayey deeqo ay codsadeen intii udhaxeysay (2015-2017). Hadaba wargeyska ayaa ku eedeeyay deeqbixiyaasha dalka Finland in deeqahaas loo bixin wada sharci ah, ururadaasna aysan xaq ulahayn in la kabo maadaama ay yihiin ururo lagu tuhmaayo isdaba marin iyo musuqnmaasuq. Sidee loogu aaminaa canshuurtii xoogsatada ururo musuq maasuq hareereeray oo aan sharciga uhogaansaneen ayey ku saleyneyd dooda qoraalka.
Ururka Puntland community ayaa waxaa maamule ka ah C/fatax Janagale oo dhawaan loo magaacabay wakiilka Dowlada Puntland ee dalka Finland. C/fatax Janagale ayaa sidoo kale kamid ahaa lataliyaasha Dalada Qurbajoogta Puntland ee Finland iyo lataliyaasha Dalada ururada Puntland ee Pedan.

Xiriir aan la sameynay ururka matala jaaliyada Puntlad ee Finland (Puntland Society of Finland) si aan u ogaano saameynta ay jaaliyada ku yeelatay eedeymha loosoo jeediyay ururka Puntland community oo ah urur magaca Puntland wata, waxey noo xaqiijiyeen masuuliyiinta jaaliyada Puntland Society inay wax saameyn ah ku leheyn eedeymahan musuqmaasuqa ee loosoo jeediyay ururada qeybtood ayna wadashaqeyn fican la leeyihiin hayadaha iyo dowlada Finland, mashariicda ay ka wadaan dalka ay yihiin kuwa lagu guuleystay,hayadaha dowliga iyo kuwa maxaligaba ay sumcad fican iyo xiriir fiican ku dhex leeyihiin
Waxay sidoo kale jaaliyada Puntland ee dalka Finland noo xaqiijiyeen inuusan warkaan quseynin Jaaliyada Puntland ee dalka Finland iyo in aan ururka jaaliyada uusan kujirin wax eedeymo ah, xiriirka dowlada Finland iyo deeqbixiyaashana uu yahay xiriir aad u fiican, hadana ay kjaaliyada mashruuc tayeynta caafimaadka ah ka fulineyso Degmada Burtinle ee gobolka Nugaal.

Waxey jaaliyada Puntland ee Finland (Puntland Society Finland ry) cadeyneysaa in jaaliyada ay si hufnaan iyo isla xisaabtan ku shaqeyso, diyaarna utahay inay dhawrto sumcada iyo sharafka jaaliyada Puntland dibed iyo gudaba.

Linkkiyaasha warbixinta o oaf sinish ku qoran:

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here