Home Wararka Maanta SAWIRRO:-Imaaradka Carabta Oo Ciidan Qalabkooda u dhameystiran yahay ku wareejiyay Taliska Ciidanka...

SAWIRRO:-Imaaradka Carabta Oo Ciidan Qalabkooda u dhameystiran yahay ku wareejiyay Taliska Ciidanka xooga dalka

1142
0
SHARE

Safiirka dowlada Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya ayaa 311 Askari oo tababar ay u soo gaba gabeysay Dowlada Imaaraadka wuxuu ku wareejiyay Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya, C/weli Jaamac Xuseen “Gorod”, Munaasabad ka dhacday Xarunta Jeneraal Gordan.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Masuuliyiin kale ayaa goobjoog ka ahaa Munaasabadda, waxaana ciidamadan ay yihiin kuwa qaatay tababaro wanaagsan isla markaana ay u dhameystiran yihiin Gaadiidkooda, Hubkooda iyo agabyada kale ay u baahan yihiin.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kaga mahad celiyay dowlada Imaaraadka Carabta sida ay u taageerto ciidamada xooga dalka, isagoo sheegay in ciidamadan ay ka qeyb qaadan doonaan dagaalka la doonayo in gabi ahaanba lagu ciribtiro Maleeshiyada Jid iyo Jihadiidka ee Al shabaab.

Dowlada Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii ciidamada xooga dalka ay u heli lahaayeen Tababaro caalami ah, qalab dhameystiran iyo Mushaar joogta si ay cadowga umadda Soomaaliyeed ee Argagaxisada Al shabaab kaga saaraan meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here