Home Wararka Maanta Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Diley Gudaha Wadanka Masar

Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Diley Gudaha Wadanka Masar

585
0
SHARE

Nin Soomaaliyeed ayaa xalay lagu dilay Xaafada Suuq-sayaaraad Ee degmada Nasri City ee dalka Masar, xilli uu ka soo baxay Maqaaxi ku taalla xaafadaasi, sida ay sheegeen Ciidamada Booliska.

Muwaadinka la dilay oo lagu magacaabi jiray Shaakir ayaa da’diisa waxaa lagu qiyaasay 16 sano jir, waxaana Meydkiisa la geeyay Isbitaal ku yaalla xaafada Nasri City ee dalka Masar.

Ciidamada ammaanka dalka Masar ayaa dilka Shaakir waxa ay u soo qab qabteen ilaa 40 Qof oo Soomali ah, kuwaasi oo isugu jira wiilal iyo gabdho oo ku sugnaa guriga wiilka uu deganaa iyo kuwo kale oo laga qabtay goobta uu dilka ka dhacay.

Saraakiisha Ciidamada ammaanka dalka Masar ayaa waxa ay sheegeen inaan la aasi doonin Marxuumka ilaa ay ka soo gaba gaboobaan baaritaanada la xiriira dilkiisa, iyo ilaa laga soo qabanayo cidii ka dambeysay dilkiisa.

“Muwaadinka waxaa lagu dilay xaafada Nasri City, xilliga la dilayay wuxuu ka soo baxay Maqaaxi halkaasi ku taalla, Ciidamada ammaanka waxa ay gacanta ku soo dhigeen 40 qof oo Soomaali ah, hada baaritaano ayaa ku socda.” Waxaa sidaas yiri Maxamed Faarax Cabdi oo ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Masar.

Ciidamada ammaanka dalka Masar ayaa horey gacanta ugu soo dhigay rag dilal u geystay qaar ka tirsan Soomaalida ku nool dalka Masar, kuwaasi oo qaarkood ku jira xabsiyada halka kuwa kalena uu mar hore ugu dhacay xukun.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here