Home Wararka Maanta Shirkii Dowladda Dhexe Iyo Maamul Goboleedyada Oo Ka Furmay Muqdisho

Shirkii Dowladda Dhexe Iyo Maamul Goboleedyada Oo Ka Furmay Muqdisho

671
0
SHARE

Waxaa  maanta  madaxtooyada Soomaaliya ka furmay shirka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, kaasi oo looga hadlayo arrimo muhiim ah.

Inkastoo aan shirkaan lasoo bandhigin ajendihiisa, ayaa hadana wararka waxay sheegayaan in hadda uu yahay furitaan oo kaliya, gelinka dambe ee maantana si rasmi ah loo guda galayo ajendaha shirka.

Waxaa ka qeybgalaya shirkaan madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul wasaare Kheyre, madaxda 5-ta maamul goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa lagu wadey inuu shalay furmo, hase ahaatee dib ayuu uga dhacay, maadaama madaxda maamul goboleedyada ay illaa gelinkii dambe ee shalay soo gaarayeen Muqdisho.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here