Home Wararka Maanta SAWIRRO:-Faah faahin ka soo baxaysa Qarxyadii ka dhacay Muqdisho iyo Xildhibaan iyo...

SAWIRRO:-Faah faahin ka soo baxaysa Qarxyadii ka dhacay Muqdisho iyo Xildhibaan iyo Saraakiil ku Geeriyooday!

674
0
SHARE

Warar aan ka heleyno Muqdisho ayaa sheegaya in  Hotelka Naasa-hablood 2 oo uu ka dhacay Qarax loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa.

Waxaa ilaa iyo haatan la xaqiijiyay Meydadka illaa 10 Qof oo Shacab ah oo ku dhintay Qaraxa islamarkaana ay ku jiraan kuwo Saarnaa Gaadiid Goobta marayay.

Sidoo kale waxaa Goobta laga daadgureeyay Dhaawacyo gaaraya ilaa 15 Qof oo ay qaadeen Gaadiidka Gurmadka deg dega ah.

Waxaana weli Hotelka laga Maqlayaa Rasaas ka dhaceysa,iyadoo Ciidamada Ammaanka ay xireen Goobta uu Qaraxu ka dhacay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska gobolka Banaadir uu ka mid noqday dadkii ku naf waayey qaraxyadii galabta lagu weeraray hotelka Naasa hablood-2 ee magaalada Muqdisho.

Max’ed Yuusuf Nuur (Fanax Xagaley) oo ahaa taliyihii saldhiga Booliska degmada Dayniile ayaa la xaqiijiyey inuu ku geeriyooday weerarka galabta ka dhacay Naasa hablood-2.

Sidoo kale dadka la xaqiijiyay geeridooda waxaa ka mid ah Xildhibaan hore Cabdinaasir Gaarane .

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here