Home Wararka Maanta Guddoomiyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo siweyn loogu soo dhaweeyey Garoowe

Guddoomiyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo siweyn loogu soo dhaweeyey Garoowe

612
0
SHARE

Garoowe-Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada garoowe ayaa waxa goor dhow siweyn loogu soo dhaweeyey guddoomiyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo halkaasi gaaray.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jaawri  iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi Waxaa ku wehliyay xildhibaano katirsan labada Gole ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waxaa ku soo dhaweyeey halkaasi madaxda Dowlad Goboleedka Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada,iyadoo amaanka magaalada Garoowe siweyn loo adkeeyey.

Wefdigan waxaa uu ka qeybgali doonaa kulanka 40-aad ee kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo berri ka furmaya  magaalada Garowe ee Caasimadda Dowlada Goboleedka Puntland.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here