Home Wararka Maanta Taliye Ku-xigeenka booliska Puntland oo Ku Dhaawacmay shir Looga Hadlay Amniga.

Taliye Ku-xigeenka booliska Puntland oo Ku Dhaawacmay shir Looga Hadlay Amniga.

542
0
SHARE

Garoowe:-Wasiirka amniga Puntland, Guddoomiyaha gobolka Nugaal, Taliyaha Booliska Puntland iyo ku-xigeenkiisa iyo taliyaha la dagaalanka argagixisada ayaa ka qeyb galay kulan looga hadlayay amniga caasimadda Garoowe kaasoo ku dhamaaday rasaas iyo dagaal ay gacanta la iskula tagay.

Kulankan oo ka dhacay Hotel Jubba ee magaalada Garoowe ayaa ujeedadiisu la xiriirtay diyaarinta qorshaha amniga caasimadda balse gabagabadii shirka ayaa ismaandhaaf iyo gacan ka hadal waxaa uu dhexmaray Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Faroweyne iyo taliyaha Booliiska Puntland Gen. Ereg.

Rasaasta la furay oo la sheegay inuu riday Taliye Ereg oo bastoolad ku hubeysnaa ayaa waxaa ku dhaawacmay taliye ku-xigeenkii Booliska Puntland oo ka mid ahaa masuuliyiintii shirkaas ka qeyb galayey.

Rasaasta ayaa ka haleeshay taliye Ku-xigeenka lugta, waxaana haatan lagu dabiibayaa mid ka mid Isbitaaladda Garoowe.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhowaan u fasaxay inuu shaqadiisa dib ugu laabto taliyaha Booliska maamulkaas Gen Ereg ka dib markii uu shaqada ka fariisiyay madaxweyne ku-xigeenka Puntland C/xakiim Xaaji Cumar Camey.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here